​Guutada 2-aad ciidamada difaaca Puntland oo Garowe lagu soo dhaweeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Guutada 2-aad ciidamada difaaca Puntland oo hogaaminayay Korneyl Jimcaale Jamac Takar, ayaa maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magalo madaxda Puntland, waxaana soo dhaweyntaasi ka qayb galay badi shacabka Caasumadda oo taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socotay mid mid ugu marxabeeyay dhinaca Bari ee magalada.

Saraakiisha hogaaminaysay waxaa sidoo kale kamid ahaa gudoomiyaha gobolka Nugal Cumar Cabdullaahi, kaasi oo ka qayb qaatay dagalladii lala galay kooxda Shabaab ee duullaanka kusoo qaaday gobollada Nugal iyo Mudug.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayay ciidamada waxaa ka qayb qaatay maamulka gobolka, kan degmada Garowe iyo Jeneral Muxayadiin Axmed Muuse oo ciidamo uu hogaaminayay guulo kasoo hoyiyeen dagaalladii ka dhacay Suuj iyo Garmaal, waxayna mahad-celin usoo jeediyay ciidanka guulaha soo gaaray, iyagoo tilmaamay inay diyaar u yihiin difaaca dalka iyo xasiloonida Puntland.

Qaar kamid ah shacabka soo dhaweynta ka qayb galay ayaa iyaguna buraanbur xambaarsanayaa dhiirigalin iyo wadanimo kasoo jeediyay madashaasi waxayna ciidanka difaaca Puntland ku sifeeyay halyeeyo aan ka gaban cadowga.

Saraakiisha hogaaminaysay ciidamada ayaa fagaare kula hadlay shacabka, waxaana Kornayl Jimcaale Jamac Takar iyo Gudoomiye Cumar Faraweyne tilmaameen inay diyaar u yihiin la dagaallanka xagjiriinta, waxayna xuseen inuusan dagaalku dhammaan ee uu bilow yahay.

Dhinaca kale Saraakiishu, waxay sheegeen inay raadin doonaan cid kasta oo kaalin ka qaadatay imaanshaha kooxdan kuwaasi oo shaaciyeen inay qayb ka yihiin dad u dhashay Puntland.

Waa ciidankii saddexaad oo soo dhaweyn loogu sameeyo magaalo madaxda Puntland, kuwaasi oo kasoo qayb qaatay dagalladii ka dhacay gobollada Nugal iyo Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM