Hadal kasoo yeeray gudoomiye Cabdirashiid oo barakiciyey shacab

Image
Afhayeenka baarlamaanka Puntland ayaa horey loogu eedeeyey inuu sabab u ahaa iska-horimaadkii bishii June 20, 2023.

GAROWE, Puntland - Hadal Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ka jeediyey munaasabadii maalinta xornimada ee lagu qabtey xarunta madaxtooyada habeenkii June 30,2023 ayaa sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan sababey in dadweyne ka qaxeen xalay magaalo madaxda Puntland Garowe.

Dadweyne badan ayaa magaalada ka qaxay xalay fiidkii gaar ahaan agagaarka baarlamaanka Puntland kuwaas oo cabsi ka qaba in hadalkii Guddoomiye Cabdirashiid abuuro amni daro cusub.

Taliyaha qaybta Booliiska Garowe oo la hadlay saxaafada ayaa si shaac baxsan waxa uu u sheegay in dadku is-dajiyo islamarkaana aysan jirin wax amni daro ah.

Guddoomiye Cabdirashid Yusuf Jibriil ayaa horey loogu eedeeyey inuu sabab u ahaa iska-horimaadkii bishii June 20,2023 ku dhexmarey magaalada Garowe ciidamo kawada tirsan dowlada Puntland kadib markii si ula kac ah cod ugu qaadey in si sharci daro ah loo furo Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM