Halkee ku dambeeyey shirkii u dhexeeyey beesha Cali Saleebaan iyo Madaxweyne Gaas?

Image

GAROWE- Kulan u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo guddi ka socdey beesha Cali Saleebaan ayaa hakad galey kadib markii Madaxweyne Gaas dalbadey in la sugo inta uu kasoo noqonayo magaalada Muqdishu.

Wararka ka imaanaya kulankaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland damcey inuu xalinta arinkaan ku wareejiyo xubno ka tirsan beeshiisa balse ka cudaarteen islamarkaana u sheegeen in wadahadlkaan ka dhaxeeyo dowlada iyo beesha Cali Salabeen.

Guddiga ka socda beesha Cali Saleebaan ayaa sidoo kale diidey in Madaxweynaha Puntland u xil-saaro wadaxaajoodkaan guddi ka tirsan xukuumadiisa oo wadahadalkaan sii wada taasoo uu ka aqaley.

Wadahadalkaan dhexmaraya dhinacyadaan ayaa waxaa dhexdhexaadiye ka ah xubno ka tirsan cullimada Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM