Halkee ku dambeeyey shirkii u dhexeeyey beesha Cali Saleebaan iyo Madaxweyne Gaas?

Image

GAROWE- Kulan u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo guddi ka socdey beesha Cali Saleebaan ayaa hakad galey kadib markii Madaxweyne Gaas dalbadey in la sugo inta uu kasoo noqonayo magaalada Muqdishu.

Wararka ka imaanaya kulankaan ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland damcey inuu xalinta arinkaan ku wareejiyo xubno ka tirsan beeshiisa balse ka cudaarteen islamarkaana u sheegeen in wadahadlkaan ka dhaxeeyo dowlada iyo beesha Cali Salabeen.

Guddiga ka socda beesha Cali Saleebaan ayaa sidoo kale diidey in Madaxweynaha Puntland u xil-saaro wadaxaajoodkaan guddi ka tirsan xukuumadiisa oo wadahadalkaan sii wada taasoo uu ka aqaley.

Wadahadalkaan dhexmaraya dhinacyadaan ayaa waxaa dhexdhexaadiye ka ah xubno ka tirsan cullimada Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM