​Hantidhowrka Puntland oo xayiray Akoomada dowladda

Image

GAROWE, Puntland- Hanti dhowrka Puntland, ayaa xayiray akoomada Puntland, kadib markii golaha Wakiillada (Barlamanka), ay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda Madaxweyne Gaas.

Qoraal kazoo baxay Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Dowlada Puntland ayaa lagu xanibay dhamaan dhaq dhaqaaqa khasnadaha ama Accounada Wasaaradaha ee Bangiga dhexe iyo Shirakaadka gaarka loo leeyahay.

Arrintan oo Hantidhowrku sheegay inuu u cuskaday awoodiisa Dastuuriga islamarkaana uu ilaalinayo hantida qaranka.

Go'aankan oo dhaqan galaya maanta ayaa lagu sheegay in golaha xukuumaddu uusan wax kharashaad ah ka saari karin Bangiyada dowladda, maadama laga qaaday xilalkii ay u hayeen shacabka Puntland.

Go'aankan oo lagu muujiyay inay wax ka ogyihiin Madaxweyne Gaas iyo Xeer ilaalinta Puntland, ayaa la faray dhinacyada ay khusayo inay sharciga u hogaansamaan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli intabada mas'uuliyiinta Somaliyeed marka xilka laga qaado ay horay usii qaataan hantida ay gacanta ku hayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM