​Haween ka cabanaya sicir barar degmada Qardho [Dhagayso]

Image

QARDHO, Puntland- Haweenka ku dhaqan degmada Qardho gaar ahaan kuwa ka ganacsada Khudradda ayaa ka cabanaya sicir barar baahsan kaasoo keenay inay saaka xiraan suuqyadoodii kadib markii ay lasoo gudboonaatay xaalada adag.

Qaar kamid dumarka Khudradda Cagaaran ku iibiya xarunta gobolka Karkaar ayaa warbaahinta u sheegay inay xaaladdu ku adkaatay kadib markii sarrifka lacagta Doollarka cirka isku shareeray islamarkaana gaaray halkii dollar 25,000Shso.

Maamulka Puntland ayay fariin adag u direen iyagoo ka codsaday inay wax ka qabtaan xaaladda iyo sicir-bararka soo laab-laabtay tan iyo intii madaxweynaha Cabdiwali Maxamed Cali talada Puntland qabtay.

Dumar ayaa sheegay in wax lagu kala iibsado lacag qalaad sidaasi owgeed xamili kari waayeen inay sii shaqeeystaan maadama ay u badanyihiin danyar.

Cabashada haweenka degmada Qardho ayaa imaanaya xilli dhawr jeer caasumada Garowe, Bosaso iyo magaalooyin kale ka dhaceen banaanbax looga soo horjeedo sicir barar baahsan kuwaasoo ka dhashay lacago lagu daabacay xarunta gobolka Bari taaso mas'uul ka ahayd xukuumadda Puntland.

Majirto ilaa hadda tallaabo rasmi ah oo ay qaatay xukuumaddu, waxaana maalinba maalinta ka dambaysa sare usii kacaya sarrifka doollarka oo hadda maraya inta u dhaxaysa 26-25,000Shso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM