Hawlgal Bosaso ka socda iyo dad badan oo la xirxirey

Image

May 16, 2015 (GO)- Ciidamada Birmadka ee qaybta ka ah booliska Puntland ayaa maalintii shanaad hawlgal amniga lagu sugayo ka wada magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Hawlgalka oo dhaca xilliga habeenka, wuxuu isugu jiraa baaritaan lagu sameeyo gaadiidka maraya jidadka muhiika ah ee magaalada iyo weliba baaritaan guri guri ah oo laga sameeyo qaar kamid ah xaadaha.

Ku dhowaad shan boqol oo qof oo dhallinyaro u badan ayaa xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo qaar kamid ah lasii daayey qaar kalena weli ay ku jiraan saldhigga dhexe ee booliska degmada.

Taliyaha booliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa ugu baaqey dadweynaha  inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha ammaanka soona gudbiyaan xog kasta oo sahleysa xoojinta nabadgelyada.


Dadweynaha oo cabanaya!

Qaybo kamid ah dadweynaha ayaa cabasho xooggan ka muujiyey hawlgalka ciidamada Birmadku xilliga habeenka ka sameeyaan magaalada Bosaso.

Arrimaha sida gaarka ah dadku uga cabanayaan waxaa kamid ah qaabka ciidamadu ula dhaqmaan shacabka oo la sheegay inuu yahay mid aan munaasib ahayn.

Macallimiinta jaamacadaha iyo ardeyda xilliga habeenka wax barata ayaa kamid ah dadka hawlgalku saameynta ugu weyn ku yeeshay.

"imtixaan ayaan u soconney, baska ayaa nalaka dejiyey waana nala celiyey, muddo labo saac ku dhow ayaan xanibneyn, sidaas ayuu imtixaankii nooga baaqdey...ciidamadu waxay ula dhaqmayaan dadka si aan munaasib ahayn, mid kamid ah gabdhihii ardeyda ahaa ee aan wada soconey xataa way dharbaaxeen" sidaas waxaa yiri ardey wax ka barta Jaamacadda Bosaso.

Ciidanka hawlgalka wada oo tiradiisu dhan tahay 250 askari, waxaa hoggaaminaya taliyihii hore ee qaybta booliska Bari Cismaan Xasan Cawke(Afdalow).

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM