Hawlgallo dad lagu soo qabqabtey oo Garowe laga sameeyey

Image

March 11, 2015 (GO)- Ciidamada amniga gobolka Nugaal ayaa hawlgal ay magaalada Garowe ka sameeyeen kusoo qabtey dad lagu soo eedeeyey inay ku hawlanaayeen khalkhal gelinta amniga.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Axmed Cabullaahi Samatar (Layli) oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in ciidamadu hawgallo ay maalmihii u dambeeyey sameeyeen kusoo qabteen ku dhowaad toban qof oo qaarkood lagu soo eedeeyey inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Mar la weydiiyey sababta xilligan kusoo beegtay hawlgalka, Taliye Layli wuxuu sheegay in laamaha ammaanku heleen xog hoose oo sheegaysa in xubno ka tirsan Al-shabaab ku dhumaaleysanayaan Garowe islamarkaana qorsheynayaan falal ka dhan ah ammaanka.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu baaq u direy qaybaha kala duwan ee bulshada isagoo ka codsadey inay si dhow ula shaqeeyaan booliska una soo gudbiyaan xog kasta oo sahli karta adkeynta nabadgelyada iyo ka hor tegista falalka ammaanka lidka ku ah.

Wasiirka Amniga Puntland Xasan Cismaan Alloore oo labo maalmood kahor hadley ayaa isna ugu baaqey bulshada inay laamaha ammaanka si fiican ula shaqeeyaan.

Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan 2015, waxaana xusid mudan in Al-shabab weerarro dhowr ah ka fulisey magaalooyinka Bosaso iyo Galkacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM