Hay’adda GIZ oo baaris kuwada inuu jiro Musuqmaasuq la xiriira wadada Garowe iyo Galkacyo

Image

GAROWE, Puntland- Warsidaha Garowe oo xiriir la sameeyay Madaxa hay’adda GIZ ee Somalia, Christoph Schmidt, ayaa sheegay in baaris lagu hayo musuqmaasuqa la xiriira qaabka loo maray mashruuca dhismaha qayb kamid ah jidka isku xira magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo.

Wakiilka, ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeri ah ka bixiyo sababta keentay xilligan in baaris lagu sameeyo mashruuca oo dhawaan la shaaciyay shirkadu kusoo baxay Tender-ka.

Schmidt, ayaa intaas ku daray inaan lagu dhawaaqi doonin shirkadda kusoo baxda qandaraaska ilaa laga gungaarayo natiijada barista oo xusay inay soo bixi doonto Labo Asbuuc kadib.

War GO uu baahiyay isagoo xog ka helaya saraakiil katirsan hay’adda PHA, ayaa sheegaya in go’aan laga gaaray ciddii qaadan lahayd mashruuca, iyadoo ay kusoo baxday shirkad lagu magacaabo Is-xilqaan  oo laga leeyahay gobolka Mudug.

Dhawaan ayay ahayd markii Saxaafaddu shaacisay warar la xiriira in la musuqmaasuqay qandaraas bixinta mashruuca lagu dhisayo qayb kamid ah jidka isku xira Garowe iyo Galkacyo, kadib markii xiriir wada shaqayn ah uu dhexmaray shirkadihii qandaraaska raadinayay, PHA iyo Guddiga qandaraas-bixinta Puntland.

Warkaas , waxaa si wadajir ah u beeniyay hay’addaha PHA, GIZ iyagoo sheegay inaysan jirin cid qorshahan is-dabo marin ku samaysay.

 Buug ay soo saartay Jaamacadda PSU, horraantii bishan November, ayaa lagu sheegay in musuqmaasuq baahsan uu ka jiro qaabka qandaraasyada loo bixiyo, iyadoo waraysi laga qaaday qaybaha kala duwan ee bulshada lagu sheegay in mashaariicda lagu bixiyo qaab xigaalaysi ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM