Hishiis laga gaaray nabadaynta beelaha deegaanka Xoorre [Dhagayso]

Image

15 November, 2015(GO)-Deegaanka Xoorre oo dhaca xadka Puntland iyo Ethopia, ayaa lagu soo gaba gabeeyay hishiis lagu soo afjarayo colaadda mudada u dhaxaysa beelo wada daga gobollada Nugal iyo Sool ee Puntland.

Wadahadalka oo garwadeen ka ahaayeen Odoyaal dhaqameed ka yimi maamulka Jubbaland iyo kuwa ka socda dhinaca Puntland, ayaa waxay shalay 14 November, 2015 soo saareen hishiin qodobaysan kaasi oo lagu qeexay dhibta kala gaartay dhinacyada dagaallamay iyo qaabkii loo bixin lahaa magdhaw ku aadan wixii labada dhinac kala gaysteen.

Xoghayihii hore ee degmada Burtinle Xaafid Cabdirsaaq Axmed oo haatan ku sugan goobta hishiiska lagu gaaray ayaa Radio Garowe u sheegay ina la simay dhammaan dhibkii dhacay, wuxuuna tilmaamay in colaadda labada beelood ku dhinteen 55 ruux oo ku jirto qof dumar ah, halka tiro intaasi ka badan ku dhawacntay.

Xaafid, waxa uu xusay inay dhammaan dadka geeriyooday laga bixinayo calaa qof 100 halaad, halka qofta dumarka ah magteedu tahay 50, waxaana loo qabtay muddo dhan 6 bilood.

Ergada ka socotay labada bilood ayaa ku qanacday hishiiska, waxaana waxgaradka dhex dhexaadinta wada goobta ku sugnaan doonaa inta duugta laga bixinayo.

Ammaanka goobta shirku ka dhacayo waxaa sugayay ciidamo ka socday dalka Ethopia, ka dib saluug ay muujiyeen garab ka tirsan beelaha la hishiisiinayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM