Hogaan cusub oo loo magacaabay Ciidanka Booliska Puntland

Image
Isbadaladan waxay imaanayaa xilli Deni ku adkeysanayo in uu qabto doorashooyinka goleyaasha degaanka ee muranka xoogan uu ka taagan yahay.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa hogaan cusub u magacaabay Ciidamadda Booliska Puntland, sidda ku xusan wareegto kasoo baxdey Madaxtooyadda Arbacada maanta ah.

Sareeyo Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa loo magacaabay magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland, halka Sareeyo Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo xushay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.

Dhanka kale, sidda ku cad digreetadan lagu daabacay ciwaanka Facebook-ga ee Madaxtooaydda, waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Garoowe: 26 October 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 77 ee 26-da Oktoober 2022, kuna saabsan magacaabid.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
2. Waxaa S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka 2-aad Ciidanka Boliiska Dowladda Puntland.
3. Waxaa G/Sare Maxamuud Cabdixakiin Yuusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Boliiska Gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Muumin ayaa ahaa taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug. Isbadaladan waxay imaanayaa xilli Deni ku adkeysanayo in uu qabto doorashooyinka goleyaasha degaanka ee muranka xoogan uu ka taagan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Baareysa Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Dilay Oday Dhaqameed Gobolka Sanaag

Qoyska marxuumka ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo ku eedeynayay in odaygu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.

  • Puntland

    15-09-2025

  • 07:02AM

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM