Hoggaamiyihii Al-qaacidada Yemen oo duqeyn lagu diley

Image

June 16, 2015 (GO)- Al-qaacidada dalka Yemen ayaa xaqiijisey in duqeyn dhacday dhowr maalmood kahor lagu diley hoggaamiyehoodii Nasir al-Wuhayshi.

Farriin muuqaal ah oo maanta oo Talaado ah lagu baahiyey shabakadaha internetka ayaa lagu sheegay in al-Wuheyshi lagu diley duqeyn ay fulisey diyaarad bilaa duuliye ah oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Mukallah ee gobolka Xadru-mowt.

Muuqaalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in xilkaas si kumeel gaar ah loogu soo magacaabay Qaasim al-Riimi. Ninkan ayaa  horay usoo noqday ku-xigeenka hoggaamiyaha guud ee al-Qaacida, Ayman al-Tawahiri.

Dhanka kale, af-hayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyey in duqeyntaas iyagu fuliyeen laguna diley hoggaamiyihii al-Qaacidada Yemen iyo afar qof oo kale.

GAROWE ONLINE+Aljazeera

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM