Hoos u dhac ku yimid shaqada hay'adaha UN ee ku sugan Puntland

Image

May 23, 2015 (GO)- Tan iyo markii qaraxa lala beegsadey shaqaalaha UNICEF ee Garowe, ayaa waxaa hoos u dhac ballaaran ku yimid howlaha hay'adaha Qaramada Midoobey ka wadaan gudaha magaalooyinka waaweyn ee Puntland gaar ahaan magaalo madaxda Puntland.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgaley isbadalka ku yimid dhaq-dhaqaaqa hay'adaha Qaramada Midoobey ee ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa ogaadey in dhammaan wadanka dibada looga saarey shaqaalaha hay'adahaas marka laga reebo kuwooda muhiimaka u ah socodsiinta howl-maalmeedka joogtada ah..

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ku sugan Garowe ayaa lagu amrey ineysan ka bixi karin dhismayaashooda hadii aysan wadan gawaarida nooca loo yaqaan Bulet-proof islamarkaana aysan shirarka ku qaban karin meel ka baxsan xafiisyadooda.

Talaabadaas ayaa horseeday in in dhammaan shirarkii muhiimka ahaa ee dhexmari jirey shaqaalaha wasaaradaha Puntland iyo hay'adaha beesha caalamka ee tageera Somalia intooda badan loo weeciyey wadanka dibaddiisa.

Go'aanka ay qaateen hay'adaha amniga u qaabilsan Qaramada Midoobey iyo kuwa wadamada deeqda bixiya ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay shacabka Puntland kuwaasoo ka heli jirey shaqo abuur.

Dowladda Puntland hay'adaheeda amniga ayaan kasoo saarin warbixin rasmi ah sidii weerarkaas lala beegsadey shaqaalaha hay'ada UNCEF u dhacey iyo heerka baarista laga sameeyey mareyso taasoo aan farxad galin madaxda sare ee Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale wraarka Garowe Online heleyso ayaa tibaaxaya in Bangiga Adduunka dib u dhigey tageeradii dhaqaale ee uu siin lahaa Puntland gaar ahaan shaqaalaha rayidka ah.

Lama oga sababta balse warar aan la xaqiijin ayaa xusaya in aan la hirgalin isbadalkii maaliyadeed ee laga sugayey Dowladda Puntland kasoo suurogal ka dhigi lahaa  in shaqalaaha rayidka laga tageero dhinaca mushaharooyinkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM