Hotel cusub oo laga dhagax dhigey magaalada Garowe [DHAGEYSO]

Image
Image

GAROWE, April 11,2015 (GO)- Ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu wehlinayay madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay hotel weyn oo cusub laga dhisidoono magaalo madaxda Garowe.

Hotelkaan oo ay dhisayaan ganacsato u dhaltey Puntland ayaa waxaa ku bixi doona aduun gaaraya 10 malyuun dollar kaasoo lagu magacaabi doono Palm Hotel and Resort.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa dhulka hotelkan laga dhisayo bixiyey iyadoo dhismahan uu  ku dhowaan doona xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Madaxdii dhagax dhigtay Hoteelkan ayaa sheegay in uu yahay mid caalami ah qaybna ka qaadan doona hormarka ganacsiga Puntland iyo guud ahaan Soomaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM