​Howlgallo ka bilowday Garowe iyo Siciid Dheere oo hadlay [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Puntland ayaa saaka si toos ah magaalo madaxda Puntland ee Garowe ka bilaabay qorshe lagu sugayo ammaanka kaasoo kaduwan kuwii horay uga dhici jiray caasumadda.

Mar qura ayaa saaka la arkay ciidamo taagan dhammaan waddooyinka waaweyn ee magaalada kuwaasoo baarayay dadka iyo dadweynaha.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland General Siciid Maxamed Xirsi, oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka socda, wuxuuna sheegay inuu la xiriiro shirar ka dhacaya magaalo madaxda.

Siciid Dheere, ayaa xusay in ciidamadan ay samaynayaan howlgal joogta ah oo lagu adkaynayo ammaanka islamarkaana looga hortagayo falalka inta badana sameeyaan kooxaha kasoo horjeeda xasiloonida, wuxuuna intaasi ku daray in amniga Puntland yahay mid aad u wanaagsan.

Ciidamada amniga sugaya ayuu sheegay inay yihiin kuwo aad loo soo wacyi galin islamarkaana xirfad gooni ah u leh shaqada ay qabanayaan.

Wuxuu intaasi ku daray in caasumadda Garowe, tahay meel amnigeeda la sugo waqti kasta, balse qorshahan yimid xilli shirar waaweyn dhici doonaan kuwaasoo qayb ka ah doorashada Somalia ka dhici doonta dabayaaqada sannadka 2016.

Taliyaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay qorshaha amniga la xiriira ee kasocda gobolka Mudug, wuxuuna ku macneeyay mid lamid ah kuwa ka dhaca dunida isagoo tallaabada baabuurta lagu kala wareejinayo ku tilmaamay mid amniga Puntland lagu adkaynayo.

Hadalkan ayaa yimid xilli maanta dadka ku dhaqan aad isu weydiinayay baaritaankan aan horay loo arag ee laga samaynayay caasumadda Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM