IGAD oo ka hadashay hishiiskii Garowe

Image

GAROWE-Maxamed Cabdi Afey Wakiilka gaarka ah ee ururka goboleedka IGAD ee Somalia, ayaa ka hadlay hishiiska dhawaan dhexmaray Puntland iyo dowladda Federalka Somalia, wuxuuna sheegay inuu horseeday sidii somalia u midoobi lahayd islamarkaana meesha uga bixi lahayd khilaaf soo kala dhexgala umadda Somalia.

Afey, ayaa xusay hadii Puntland aysan nidaamkan ogolaateen inaysan doorasho ka dhacdeen Somalia, wuxuuna sheegay inay tahay xubin muhiim ah oo Somalia kamid ah.

“Heshiiskii Garoowe lagu saxiixay muhiimaddiisa waa in Puntland ay kusoo biirto hanaanka doorashada ee sannadkan 2016-ka, marka hore way diidday, laakiinse sababo badan oo aan garawsannay awgeed ayay nidaamka 4.5-ka mar kale dib u ogolaatay Puntland, Somali badan ayaa diidanaa nidaamkan,” Sidaasi waxaa yiri Wakiilka urur goboleedka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey.

Wuxuu sheegay in hishiiska labada dhinac furay waddo cusub oo Somalia kaga baxayso nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5, wuxuuna diidmada Puntland ku macneeyay mid sax ah maadama shirar ka dhacay Garowe 2012-kii looga gudbay hannaankaasi.

“Waxaa noo muuqata in haddii Puntland sannadkan aysan doorashada ka qayb-gelin, in mustaqbalka Somalia uu mugdi geli lahaa, sidaas awgeed aanay dhici karin doorasho,”Ayuu hadalkiisa raacshay Afey.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli hishiiskii Garowe ka dhacay ay damiin ka ahayd IGAD, kaasi oo lagu muujiyay in doorashada soo socota noqon doonto qof iyo cod

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM