Imaaraadka oo Deeq gaarsiiyay Puntland

Image

ABU DHABI - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay gaarsiiyay Shacabka ku nool Puntland 900-tan oo Raashiinka noocyadiisa kala duwan, iyadoo lagu wareejiyay mas'uuliyiinta dowladda, gaar ahaan Haya'adaha qaabilsan gargaarka.

Gargaarkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay kuwa ay horey ubalanqaaday xukuumada Abu Dubia, oo ay ku caawineyso dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ay saameysay abaarihii dalka ku dhuftay.

Afhayeenka u hadlay Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation oo wakiil ka ahayd dowladda Imaraadka ayaa waxuu sheegay in gargaarkan la gaarsiiyay 20,000 oo qoys, oo ka kooban ku dhawaad 100,000 oo qof kuwaasoo ku nool Cayn iyo Caluula.

Waa wajigii labaad oo gargaar noocaan ah uu Imaaraadka gaarsiiyo Puntland tan iyo markii ay ku dhufatay Abaartii Sima guud ahaan Geyiga Soomaaliya, taasoo dadka iyo Duun saameysay.

Wuxuu intaasi ku daray in Ololahan gurmadka ah ay gaarsiin doonaan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Sanaag, Gardafuul iyo Sool, oo lagu caawin doono dadka ay saameysay dufaantii dhawaan ku dhufatay iyo abaarta.

Bishii hore ayay ahayd markii isla Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation ay Magaalada Kismaayo gaarsiisay Markab siday 824-tan oo Raashiin ah, kuwaasoo loogu talagay dadka xeryaha barakaca ku jira.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageeradda jootadda ah siiya Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay garab taagnaayeen tan iyo burburkii dalka, inkasta dowladda hadda jirta lagu eedeeyay inay ku "abaal dhacday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhimasho ka dhalatay dagaal ka dhex-dhacay xabsiga dhexe ee Gaalkacyo

Dowladda iyo maamulka Gobalka mudug ayaan wali ka hadlin waxa ka dhacay jeelka.

  • Puntland

    02-05-2024

  • 11:22AM

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM