Imaaraadka oo Deeq gaarsiiyay Puntland

Image

ABU DHABI - Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay gaarsiiyay Shacabka ku nool Puntland 900-tan oo Raashiinka noocyadiisa kala duwan, iyadoo lagu wareejiyay mas'uuliyiinta dowladda, gaar ahaan Haya'adaha qaabilsan gargaarka.

Gargaarkaan ayaa wuxuu qeyb ka yahay kuwa ay horey ubalanqaaday xukuumada Abu Dubia, oo ay ku caawineyso dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed, kuwaasoo ay saameysay abaarihii dalka ku dhuftay.

Afhayeenka u hadlay Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation oo wakiil ka ahayd dowladda Imaraadka ayaa waxuu sheegay in gargaarkan la gaarsiiyay 20,000 oo qoys, oo ka kooban ku dhawaad 100,000 oo qof kuwaasoo ku nool Cayn iyo Caluula.

Waa wajigii labaad oo gargaar noocaan ah uu Imaaraadka gaarsiiyo Puntland tan iyo markii ay ku dhufatay Abaartii Sima guud ahaan Geyiga Soomaaliya, taasoo dadka iyo Duun saameysay.

Wuxuu intaasi ku daray in Ololahan gurmadka ah ay gaarsiin doonaan gobollada Bari, Nugaal, Karkaar, Sanaag, Gardafuul iyo Sool, oo lagu caawin doono dadka ay saameysay dufaantii dhawaan ku dhufatay iyo abaarta.

Bishii hore ayay ahayd markii isla Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation ay Magaalada Kismaayo gaarsiisay Markab siday 824-tan oo Raashiin ah, kuwaasoo loogu talagay dadka xeryaha barakaca ku jira.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageeradda jootadda ah siiya Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ay garab taagnaayeen tan iyo burburkii dalka, inkasta dowladda hadda jirta lagu eedeeyay inay ku "abaal dhacday".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM