In kabadan 10 ruux oo ku dhimatay dagaal kasocda Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Dagaal goos-goos ah ayaa iminka ka socda meel qiyaastii 8km dhinaca Koonfureed kaga  beegan magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Isku dhacan ayaa saaka ka bilowday maxjar laga dhisayay xaafadda Garsoor ee magaalada Galkacyo, waxaana sida xogtu sheegayso dagaalku bilowday kadib markii dhisme halkaas kasocday is hortaag ku sameeyeen mallayshiyaad kasoo jeeda dhinaca Galmudug.

Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray mallayshiyaad dhinaca Galmudug kasoo jeeda iyo dadka dagan xaafaddaas, balse iska hor-imaadka ayaa xoogaystay waxaana kusoo biiray ciidamo ka kala socda Maamulka Puntland iyo Galmudug.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhintay 12 ruux, halka  dhaawacu gaarayo 16 qof.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isu adeegsaday, waxaana dagaalku haatan kasocdaa halka lagu magacaabo Laamaha.

Majirto cid katirsan labada dhinac oo dagaalka ka hadashay, balse saraakiil la hadlay GO ayaa sheegay in mallayshiyaad ka Galmudug iyo gurmadkooda dib loo riixay.

Dagaalkan ayaa yimid xilli Galmudug ku doodaysay maalmahan in ciidamadooda lagu dilay duqayn ka dhacday Bariga Galkacyo.

Siyaasiyiin maamulkaas xilal kasoo qabtay ayaa warbaahinta marinayay hadallo dhiilo xambaarsan.

Labada maamulka ayaa sannadkii hore dhammaadkiisa dagaal xoog leh ku dhexmaray magaalada Galkacyo, balse waxaa gaareen hishiis ay ka shaqeeyeen dowladda Federalka iyo maamullada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM