Isbedelka la filayo in lagu karo xukuumadda uu soo dhisayo Deni

Image
Illo xog ogaaal ah ayaa u sheegay Garowe Online ayaa inuu dhamaad yahay latashiyadda ku wajahan shaacinta liiska kama dambeysta ah.

GAROWE, Puntland — Warar isasoo taraya ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo dhisayo Xukuumad ka miisaan culus golihii hore ee uu dhisay 2019-kii oo kaalintooda matalaada ay aad u hooseysay.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dib loo doortay ayaa lasoo wariyay inuu kalkan u gacan-banaanaaday golihiisa wasiirada, waxaana xulashadiisa koowaad ah waayo-aragnimo, karti Shaqo iyo hufnaan.

Wasiiradan ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan odayaal miisaan siyaasaded kuleh degaanada Puntland. Kulamo ilaa xalay socday ayaa wararku tibaaxayaan in siyaasiyiinta mucaaridka ah qaybtood talo laga siiyey golaha.

Kordhis ayaa la filayaa inuu golaha ku yimaado, gaar ahaan deegaanada darafyada Mudug iyo Sanaag ayaa xukuumadan taageero ka helaya. Degmadda Ceerigaabo ayaa laga yaabaa inay golaha ku yeeshaan metalaad sidii hore ka culus.

“Ugu yaraan 36 saacadood wax kayar ayaa haray waqtiga kama dambeysta ah, lamana soo sheegin culays siyaasadeed oo dib u dhigi kara shaacinta liiska,” ayuu yiri qof ku dhow Madaxtooyadda oo ka gaabsadey magaciisa.

Barlamaanka Puntland ayaa horey u aqbalay codsi ka yimid madaxweynaha oo ku aaddan in muddo bil ah loogu daro waqtiga dhismaha xukuumadda, sababo la xiriira caleemo saarka oo waqti dheer qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM