Isimada Nugaal & Gaas oo booqdey aqalka madaxweynihii hore ee Puntland

Image

July 31,2015 (GO)- Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa saaka gurigiisa uu ka dagan yahay magaalo madaxda Garowe ku booqdey madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

Kulanka labada madaxweyne ayaa diirada saarayey xog wareysi iyo u tacsiyeen madaxweyne Farole oo geeri naxdin badan bishii April,2015 ku timid xaaskiisa AHN Aamino Abiib.

Dhinaca kale Issimada gobolka Nugaal, Islaan Ciise Islaan Maxamad iyo Suldaan Siciid Garase ayaa booqasho ugu tagey madaxweynhii hore ee Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole.

Kulamada madaxweynihi hore ee Puntland la yeelanayo Isimada, madaxda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa imaanaya maalmo kadib markii booqasho ku yimid magaalo madaxda Garowe 29 July,2015.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM