​Isimada Puntland oo beesha caalamka ka diiday 4.5

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kulan maanta ay ku yeesheen magalada Garowe Ergayga gaarka aha ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Somalia Michael Keating iyo Isimadda Puntland ayaa looga hadlay nidaamka lagu salaynayo doorashada Somalia ee 4.5, waxaan madax-dhaqameedka Puntland u sheegeen Wakillada inaysan qaadanayn habkaas. 

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, Afhayeenka Isimada Puntland oo la hadlay Radio Garowe, ayaa sheegay in shirkoodii PDRC kusoo dhammaaday "Qaata 4.5 iyo qaadan mayno", isagoo xusay in go'aankooda kala simanyihiin dowladda iyo shacabweynaha Puntland. 

Ciid, ayaa xusay inay usoo gudbiyeen wafdigan dalab ah inay taageeraan habka lagu go'aamiyay magalalada Muqdishu, isagoo layaab ku tilmaamay taageerada Michael Keating u muujiyay in lagu laabto habka qabaliga ah ee laga soo gudbo. 

Afhayeenku, wuxuu xusay in wakiilka kasocda IGAD usoo sheegay in isimadu heli doonaa jawaab waqti aan la cayimin. 

Dhammaan kulamadii uu Wakiilka Qaramada Midoobay la qaatay dhinacyada kala duwan ee bulshada kusugan magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa kusoo dhammaan mowqif midaysan oo ah inaan la qaadan 4.5. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM