Isimada Puntland oo ka wadahadley nidaamka 4.5

Image

GAROWE- Kulan maanta isugu yimaadeen xarunta PDRC ee magaaada Garowe qaar ka tirsan Issimada Puntland ayey kaga hadleen nidaamka 4.5 kaasoo dhowaan dowlada Federaalka sheegtey in lagu galayo doorashada Somalia sanadkaan dabayaaqadiisa.

Magaalo madaxda Garowe ayaa maalmahaan waxaa ka socdey kulamo loogu diyaar-garoobayo booqasho madaxda beesha caalamka ee ku mashquulsan arrimaha Somalia ku imaanayaan Puntland.

Xubnaha Beesha caalamka oo tageerey go'aana xukuumada madaxweyne Xasan Shiikh ayaa booqasho la filayo maalinta Talaadada Feb 9,2015 kulamo la qaadan doona golayaasha dowlada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Puntland kuwasoo lagaga hadli doono mowqifkooda ku aadan nidaamka 4.5.

Warsidaha Garowe Online ayaa helaya in kulanka hordhaca ee Issimada Puntland ku yeesheen xarunta PDRC maanta kaga hadleen qodobada ay hordhigi doonaan madaxda beesha caalamka ee maalinta berri ah imaanaya magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegaya in Issimada mowqif adag ka istaageen ku dhaqanka nidaamka 4.5 kuwasoo tageerey go'aankii dowlada madaxweyne Gaas kasoo qaadatey kulankii Muqdishu.

Dhinaca kale waxaa magaalada Garowe ka socda kulamo ay leeyihiin ururada bulsshada, golayaasha dowlada iyo siyaasiyiintii horey xilalka uga soo qabtey Puntland kuwasoo ka hadlaya mowqifka ku aadan nidaamka 4.5.

Madaxwweynaha dowlada Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa dhiwaan kusoo diidey magaalada Muqdishu iney aqabalaan in nidaamka 4.5 lagu soo xulo Barlamanka Federaalka aqalkiisa hoose.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM