Isimada SSC-Khaatumo oo go'aan kasoo saarey doorashada Puntland

Image
Qodobadan ayaa dharbaaxo ku ah damaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacayo ee Deni.

GAROWE, Puntland - Isimadda goboladda SSC-Khaatumo ayaa soo saarey go'aan la xiriira qaabka loo xalin karo khilaafka ka taagan doorashada hogaanka xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland.

Go'aanada ugu muhiimsan ee Isimada ayaa kala ah;

Doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenku ayay cod dheer waxa ay ku dalbadeen in ay si la isla ogol-yahay ku qabsoonto wakhtigeedii oo ah 08/ 01/ 2024

Barlamanka Puntland ee hada jooga ayay soo jeediyeen in doorashadooda dib loo dhigo muddo 12 bilood ah isla markaana ay iyaga doortaan madaxwaynaha yo ku Xigeenka.

Xukuumada imaan doonta wixii ka dambeeya 08/01/ 2024 ayay hoosta ka xariiqeen in ay doorashada barlamaanka oo gof iyo cod ah ku diyaariso muddo 12 bilood ah.

Go'aankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhowaan ay Madaxtooyadda Garowe kula shireen madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Deni kaas oo wali aan fahfaahin ka bixin natiijada shirkaas.

Sikastaba ha ahaatee, qodobada kasoo baxay isimadda goboladda SSC-Khaatumo ayaa waxa ay dharbaaxo ku yihiin damaca Saciid Deni kaas oo doonaya muddo kororsi iyo qof iyo cod boor isku-qaris ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM