​Isimo ku shiraya magalada Garowe

Image
Image
Image

GAROWE- Isimo kayimi magalada Qardho ayaa kulamo la qaadanaya isimadii dhawaan ku shiray magaalo madaxda Puntland ee Garowe, waxayna ka wada hadlayaan arrimo ku aadan khilaaf ka taagan shirka la sheegay inuu ka furmayo xarunta gobolka Karkaar ee Qardho.

Isimada caasumadda Puntland soo gaaray, waxaa hogaaminayay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam, oo u jeedkoodu yahay sidii isimadii ku shiray Garowe ee diiday shirka Qardho loogu qancin lahaa inay madashaasi tagaan oo ay ka laabtaan go'aankoodii hore.

Kulankaasi majirin wax natiijo ah oo kasoo baxay, balse isimada loo yimid ayaa dalbaday inay tashi ka sameeyaan qorshahaas.

Duub-dhaqameedka martida loo yahay ee Garowe ku sugan ayaa qado u sameeyay isimada dhinaca Karkaar ka yimi, waxaana hadda u socoda kulan labaad iyagoo ilaa hadda la isku mari la'yahay aragtida lakala qabo.

Xogta soo gaaraysa Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaysa in natiijadii kasoo baxday kulankii ay yeesheen isimadii ku sugnaa Garowe ay ku gudbinayaa shirka socda.

Majirto faah faahin dheer oo shirkaasi laga helayo, balse GO ayaa ogaaday inay labada dhinac aad u kala aragti duwanyihiin, waxaana isimada ka yimi Qardho aad ugu ololeynayaan in duub dhaqameedka Garowe ku sugan ka qayb galaan shirka la iclaamiyay.

Natiijada kulankaasi kasoo baxa Garowe Online ayaa dib idiin kasoo gudbin doona

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM