Iska hor-imaad dhimasho sababay oo ka dhacay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Iska hor imaad khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Galkacyo, kadib dagaal dhexmaray ciidamo katirsan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Sida Garowe Online u sheegeen dad goob joogayaal ah iskudhaca ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamo katirsan Galmudug ay weerar ku qaadeen Gaari Iskarogo ah oo nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ku sugnayd kaasi oo ay wateen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay hal Askari oo katirsan ciidamada Puntland ee Garoonka ku sugnaa ayaa ku dhintay mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac, halka Galmudug dhankooda dhimashada la sheegay inay gaarayso labo qof.

Ciidamo katirsan kuwa isku dhafka ah ee gobolka Mudug ayaa kala dhexgalay labada ciidan oo muddo is-rasaasayn xooggan dhexmaraysay.

Majirto cid katirsan labada dhinac oo ka hadashay dhacdadaas oo kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe Galkacyo ay ka dhacayeen dilal qorshaysan oo lala eeganayay mas’uuliyiin katirsan dhinaca Puntland.

Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa dagan inkastoo laga dareemayo xiisadda dagaalkii barqankii ka dhacay nawaaxiga Garoonka Cabdullaahi Yuusuf.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM