Iska hor imaad khasaare geystey oo ka dhacay duleedka Galkacayo

Image

January 21, 2015 (GO)- Hal qof ayaa ku dhintey labo kalena way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad deegaanka Abaarreey oo dhanka waqooyi magaalada Gaalkacayo kaga beegan ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa Dowlada Puntland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Birmadku weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidan kale oo qaab beeleed u abaabulan balse horay loo qarameeyey kuwaasoo isbaaro dhigtay meel u dhow Abaarreey.

Qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawaca ah ayaa dhammaantood ka tirsan ciidamadii dagaalamay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo Garowe Online khadka telefoonka ugu waramay ayaa sheegay in deegaanka Abaarreey ay xilligan ku sugan yihiin ciidamadii qaab beeleedka u abaabulnaa ee horay u joogey kuwii Birmadkuna dib uga laabteen.

Ciidamada ammaanka gobolka Mudug ayaa hawlgallo ay hadda kahor dhowr mar sameeyeen ku burburiyey isbaarooyinka sharci-darro ah oo yaaley inta u dhexeysa degmooyinka Burtinle iyo Gaalkacayo. Isbaarooyinka waxaa dhigta mileeshiyaad hubeysan oo hab beeleed u abaabulan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM