Iska horimaad ka dhacey Galkacayo oo sababey dhimasho

Image

14 Nov, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Galkacayo ayaa sheegaya in iska horimaad uu dhexmarey ciidamada amaanka iyo maleeshiyo beeleed kadib markii ay diideen iney ka tagaan dhul la sheegey in dowlada leedahay.

Weerakaan ayaa sheegaya inuu ku dhintey hal qof oo dhinacyadii dagaalamey ah dagaalkaan halka ardey marayey goob aan ka fogeyn ku geeryoodey dhacdadaan.

Dhaawaca ayaa wararku sheegayaan iney gaarayaan labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Dagaalkan ayaa waxaa sababey muranka dhuleed ka jira Galkacayo kadib markii bilihii lasoo dhaafey booqasho madaxweynaha Puntland ku tagey magaladaas ku baneeyey xarumo dowlada leedahay oo shacabku daganaayeen.

Madaxweynaha Puntland oo mudo labo bilood ah ku sugnaa Galkacayo ayaa howlihiisa ugu badan waxay ahaayeen xalinta muranka ka dhashey dhulkaas la baneenyey iyadoo wararku sheegayaan in weli qaybo kamid ah la isku haysto.

Magaalada Gaalkacayo ayaan laheyn gudoomiye gobol iyo maamul degmo oo la isku haleyn karo iney qaban karaan gabi ahaanba howlaha loo horyaala.  

Guddomiyaha gobolka Mudug ayaa iska casiley xilkiisa iyada oo madaxweyne Gaas uusan weli soo magacaabin mas'uul qabta xilkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM