Jabuuti oo kordhineysa tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya

Image

June 6, 2015 (GO)- Dowladda Jabuuti ayaa wadda qorshe ay ku kordhineyso tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Kulan ay Khamiistii ku yeesheen magaalada Addis Ababa  Guddoomiyaha Guddiga Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika Smail Chergui iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Ethiopia ayaa lagu saxiixey qorshe Jabuuti ku dooneyso inay hal cutub oo ciidamadeeda militeriga ka tirsan ku keento Soomaaliya.

Jabuuti oo kusoo biirtey hawlgalka nabad-ilaalinta AMISOM bishii December sanadkii 2011, waxaa Soomaaliya horay uga joogey 960 askari oo badankoodu ka hawlgala gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM