Jawari "Waxaa furmaya shir looga hadlayo mooshinka laga keenay madaxweynaha"

Image

06 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa sheegay in barri uu furmi doono shir looga wada xaajoonayo mooshinka ka laga keenay Madaxweynaha Somalia ee la soo gudbiyay 12-ka August ee sanadkan.

Jawaari ayaa tilamamay in shirkaasi uu yahay mid muhiim ah isla markaana looga bahan yahay Xildhibaanadii keenay inay ka soo qayb galaan, si looga xaajooda arrinta mooshinka.

“Waxaan  guud ahaan  ummadda Somaliyeed la wadaagayaa in maalinta barri ah oo tariiqdu ku began tahay 7 bisha Oktoobar  uu magalada Muqdishu ka furmi doono shirka lagu dhamaynayo, isla markaana looga wada hadlayo  qobadadii ku xusnaa mooshinkii Madaxwayanaha ay ka keeneen xubno ka tirsan  golaha shacabka Somaliyeed, waxaan  ugu baaqayaa Mudanayaasha Baarlamaanka ee keenay mooshinka in ay ka soo qayb galaan shirkaasi oo furmi doona 11:00 barqonimo  xilliga magaaladda muqdishu" ayuu yiri Afhayeenka Barlamanka Somalia.

Dhawaan ayay ahayd markii qoraalka ka soo baxay xafiiska Gudoonka Barlamanka Somalia lagu shaaciyay in la laalay mooshinkii laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaan arrinkaasi ka soo horjeestay mudanayaal ka tirsan Xildhibaanada mooshinka keenay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM