Jebiye: SINCAD iyo KAAH waa isu ekaadeen

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyaha urur siyaasadeedka SINCAD, Maxamuud Khaliif Jebiye ayaa ku dhawaaqay in aanay qeyb ka ahayn jadwalka ay soo saareen guddiga lagu muran-san yahay ee Doorashooyinka.

"Qeyb kama noqonayno wax aan nalagala tashan waanuna ka tashanaynaa go'aan baanu qaadanaynaa".

Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday in ay isku ekaadeen ururkiisa SINCAD iyo ururka madaxweynaha xilhayntiisa Dastuuriga ah ay sii dhamaanayso, Siciid Cabdulaahi Deni.

"waa jirtaa oo niman aan saaxiibo nahay baa yiri waa isu ekaadeen KAAH iyo SINCAD laakiin caqli gal ma ahan aniga oo kursiga madaxweynaha doonaya in aan kusii hayo".

Ururada SINCAD, Ifiye iyo Mustaqbal ayaa dhawaan soo jeediyay aragti ah in Golaha wakiilada Puntland dadweynuhu soo doortaan balse taasi Dhag-jalaq looma siinin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM