Juxa oo waji gabax kala kulmay qorshe uu u tagay Gaalkacyo

Image
Kulan uu ku qabtey xarunta gobolka Mudug ayaa lagu camiray shaqaale rayid iyo dhalinyaro caruur u badan markii wax-garadka ay iska diideen.

GAROWE, Puntland - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdifaarax Saciid Juxa, ayaa waji-gabax kala kulmay olole iyo kulan uu u tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Juxa ayaa madashan u qaban-qaabiyey si ay wax-garadka iyo odayaashan u taageeraan barnaamijka doorashooyinka goleyaasha degaanka ee lagu muransan yahay.

"Hase ahaatee, dharbaaxo ayuu la kulmay wasiirka. Badi odayaasha iyo wax-garadka  way iska diideen in ay tagaan kulanka taas badalkeeda waxay kulanka ka sheegeen in barnaamijka uusan isku-toosanayn sidaas darteeda ayaan taageero karin," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.

Tani ayaa kaliftey in kulanka lagu camiro shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo dhalinyaro kale oo laga soo xulay magaalada, sidda xoguhu tibaaxayaan.

Xukuumadda Deni ee muddo xileedkeeda uga haray bilooyinka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardargelisay olole ay taageero ugu goobeyso hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee madmadowgu hareeyay.

Ururadda Siyaasadda iyo Daneeyeyaasha Puntland ayaa ku eedeeyay madaxwayne Deni in uu ololahan doonayo in uu ku hoos-fuliyo damac muddo kororsi taas oo baalmarsan dastuurka ayna keeni karto xasilooni darro siyaasadeed.

Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Puntland oo u xilsaaran hirgelinta barnaamijkan ayaa dhankiisa wuxuu wajahayaa diidmo shacab maadaama degaano badan laga soo eryay howlwadeeno u tagay qiimeynta seejooyinka qaar kalana cabsi amni u tagi waayeen.

Wakiiladda Beesha Caalamka ee dhowaan tagay Garowe ayaa uga digay Deni isku-day kasta oo uu ku doonayo in uu hanaan aan lagu heshiin ku fuliyo barbaamijkan waxaana ay kula taliyeen in uu talada kusoo daro dhamaan saamileyda.

Nidaamka Qof iyo Cod ayaa Puntland ku taameysay in ay dhaqan-geliso tan iyo markii la aas-aasay hase ahaatee xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay waxay mid walba soo gaarsiisey meel.

Marka laga soo tago mabaadi'da kale, isla-ogol ayaa mar walba ahaa tiirka koowaad ee lama taabtaanka ahaa iyo in siyaasiyiinta ay talo mideysan ku riixaan sidii mandiqada uga gudbi lahayd hanaanka qabiilka ku saleysan ee haatan looga dhaqmo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ardey Soomaaliyeed oo Lagu Xirey Turkiga loona Soo Tarxiiley Soomaaliya

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo la hadlay Garowe Online waxay sheegeen in aan wali si rasmi…

  • Puntland

    27-07-2025

  • 10:47AM

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM