Kalluumeysatada Eyl oo ka cabanaya dhibaatada Jiriifka

Image

February 24, 2015 (GO)- Kaluumaysatada ku dhaqan degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa cabasho xooggan ka muujiyey maraakiib iyo doomo shisheeya oo si sharci darro ah uga kalluumaysta xeebaha Puntland.

Cabdidaahir Mahad Bulxan oo kamid ah kalluumeysatada Eyl ayaa u sheegay idaacadda VOA in bilihii u dambeeyey tirada doomaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee jiriifka loo yaqaanaa xeebaha Puntland kusoo bateen dhibaato weynna ku hayaan noolaha badda iyo weliba kalluumaysatada oo mararka qaar ay qalabkooda waxyeelo ka gaarsiiyaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan waaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland ayaa sheegay in cabashada kalluumaysatada sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabi doono, iyagoo intaas ku daray in xakameynta arrintani u baahan tahay iskaashi xooggan oo ay dowladda iyo dadweynuhu sameeyaan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sanadkii hore sheegay in dowladdu dejisay qorshe cad oo lagula dagaalamayo kalluumaysiga sharci darrada ah, inkastoo ilaa iyo hadda wax tallaabo ah oo dowladdu qaaday aysan jirin.

Badda Soomaaliya waxaa si sharci darro ah uga kaluumaysta maraakiib waaweyn oo nooca kaluumaysiga ah, maraakiibtaas oo intooda badan laga leeyahay dalalka Asia waxay qaar kamid ahi ogolaansho ka heystaan maamullada ka jira dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM