Kaluumeysato ka cabaneysa Markiib Jariif, Puntland oo ciidamo dirtey [ Dhageyso]

Image

Qaar ka mida kalluumaysatada xeebaha Puntland ayaa ka cabanaya maraakiib iyo doonyo shisheeye oo culays ku haya kalluumaysigooda.

Muuse Cali Jaamac oo ah Guddoomiyaha shirkad kalluumaysi oo lagu magcaabo KAFCO ayaa sheegay in maraakiib iyo doonyo tiro badani ay ku sugan yihiin badda, isla markaana ay qaarkood waxyeello naf iyo maalba ah ay soo gaadhsiiyeen maraakiibta iyo doonayahaasi. 

Dhinaca kale, Madaxda Puntland ayaa sheegay in ciidamo ay u direen inay soo furtaan markab Afduub loogu heysto xeebta degmada Caluula ay is hor fadhiyaan raggii heystay Markabka wada hadal looga dhaadhcinayo inay si nabdoon ku sii daayaanna uu socda. 

Wareysi ku saabsan cabashada kallumeysatay oo uu Ismaaciil Xuseen Farjar la yeeshay Muuse Cali Jaamac iyo warbixinta ay Faaduma Yaasiin Jaamac kasoo dirtay ciidanka ay Puntland direen hoos ka dhageyso.

HALKAAN KA DHAGEYSO 

XIGASHO-VOA

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM