Karaash: Geedi caano leh wuxuu ku eg-yahay dowladaha hoose

Image
Hadalkan ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah ururada siyaasada ay sheegeen in Deni uu muddo kororsi ku raadinayo geedi-socodka dimuqraadiyeynta.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan, ayaa sheegay in hanaanka doorashooyinka lagu muransan yahay ee haatan socda uu ku eg-yahay dowladaha hoose, isaga oo meesha ka saarey in ay jiraan ajandayaal qarsoon.

"Geedi caano leh wuxuu ku eg-yahay dowladaha hoose. Baarlamaanka iyo [Madaxtooyada] way inoo dambeyn doonan," ayuu Karaash ka sheegay munaasabad ka dhacdey Garowe.

Karaash oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Ma filayo in laga gaarsiin doono waxa inoo haray. Cidii ka shaki qabtey waxa info qarsoon, waxba nooma qarsoona”.

Hadalka Karaash ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah ururada siyaasada ay sheegeen in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu muddo kororsi ku raadinayo geedi-socodka dimuqraadiyeynta ayna ka digeen in ay keeni karto xasilooni darro siyaasadeed.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa, sidda ay aaminsan yihiin falanqeeyeyaasha, waxay u muuqdaan in ay ku kala aragti duwan yihiin qorshaha uu Siciid Dani ka leeyahay barnaamijkan.

Dani oo ku guda jira 10-kii bilood ugu dambeysay muddo xileedkiisa ayaa aad uga gaabsadey inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan diiwan-galinta doorashadda golayasha degaanka.

Sharciga doorashada iyo dastuurka Puntland ayaa waxa ku qoran in sadexda urur ee ugu badan ee ku guuleysta golayaasha degaanka noqnayaan xisbiyadda siyaasadda Puntland kuwaas oo madaxdooda go’aan ka gaari doonto xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo kuwa aqalka wakiilada.

Siciid Cabdulahi Dani ayaa dadka la socda arimaha siyaasada Puntland waxay qabaan in sababta uu aamuusan tahay inuu isticmaalo qodobadaan marka doorashada golayaasha degaanka dhamaadaan taas oo uu rabo in muddo kororsi uga soo baxo.

Diiwaan-gelinta halka dhinac ah ee hadda socota ayaa waxaa ka maqan ururada siyaasadda Puntland iyo taageeradda siyaasiyiinta maamulkan maadaama mugdi ku gadaaman yahay qorshaha madaxwayne Saciid Dani marka muddo xileedkiisa dhamaado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM