Karaash oo digniin culus hawada u mariyay maamulka Somaliland

Image
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland ayaa socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo socdaal ku maraya deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag ayaa uga digey maamulka Somaliland inuu xoog ku muquuniyo bulshada ka arragti duwan ee kunool magaalada Ceerigaabo.

Karaash waxa uu sheegay in Ceerigaabo ay kunool yihiin bulshooyin kala duwan maamulkeeduna u baahan yahay in loola macaamiltamo si lamid ah magaalada Galkacyo oo ay ka wada arrimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland waxa uu hadalkiisa u dhigay in Ceerigaabo ay ubaahan tahay inay wada maamulaan Somaliland iyo SSC KHAATUMO ayna labada dhinac nabad ku wada noolaadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM