Karaash oo difaacey dib u dhaca dhismaha golayaasha deegaanda

Image

August 2, 2015 (GO)-  Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka warbixiyey sababta keentay dib u dhaca ku yimid dhismaha goleyaasha deegaanka Garowe iyo Bosaso.

Karaash oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe, wuxuu sheegay inay ku howlan yihiin dhismaha goleyaasha deegaanka Garowe iyo Bosaso balse sababta ay usoo dhamaystiri waayeen ayuu ku weeciyey odayaasha beelaha isagoo xusay inaysan soo dhamaystirin soo xulista xildhibaannada.

Waxaa soo idlaatay muddo 45 cisho ahayd oo loo qabtey in lagu soo dhiso goleyaasha deegaanka Bosaso iyo Garowe, kadib markii May 27, 2015  Madaxweyne Gaas kala diray golaha deegaanka Bosaso, asbuuc kadibna -oo ku beegnayd- June 3, 2015  kala diray golaha deeegaanka ee Garowe.

 Isla digreetooyinkii Madaxweynuhu labadaas gole ku kala diray, wuxuu Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ku amray in ay muddo bil iyo bar gudaheed ah kusoo dhisto maamullo cusub, haseyeeshee ilaa iyo hadda dowladdu wax tallaabo ah uma qaadin sidii arrintaas loo sii ambaqaadi lahaa. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM