Karaash oo u jeediyay Siciid Deni eedeyn culus

Image
Hadalka Karaash ayaa ku soo aaday xilli Puntalnd ay wajahayso marxalad adag.

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cisamaan Karaash ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ugu tilmaamay ficillada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaanayo Siciid Cabdulaahi Deni kaligii talisnimo.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil.” ayuu yiri Karaash.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay cawaaqib xumada ka dhalan karta isku day awood maroorsi oo lagu sameeyo arrimaha masiiriga ah, taasi uu sheegay in uu ku kici doono Deni.

Wuxuu intaas raaciyay: “Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.”

Hadalka Karaash ayaa ku soo aaday xilli Puntalnd ay wajahayso marxalad adag oo gundhig u ah tallaabada Golaha wakiilada ee Muddo kordhinta iyo go’aamada halka dhinac ah ee uu ku kacayo madaxweynaha talada haaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM