Khasaaro ka dhashay dagaal ka dhacay magaaladda Gaalkacyo

Image
Warar madax-banaan ayaa xaqiijiyey in isku-dhaca uu salka ku hayo is-qabqabsi dhul.

GAROWE, Puntland - Saddex qof ayaa ku dhimatay dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ee Puntland, sidda ay xaqijiyeen warar lagu kalsoon yahay.

Isku-dhaca ayaa yimid kadib markii muran la xiriira dhul ku yaalaaaga isbitaalka Manhal uu isku badalay gacan ka hadal iyada oo la sheegayo in ay jiraan dhaawacyo.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan shaqaaqadan oo kasoo baxay dhanka hay'adaha ammaanka. Isku-dayo ay warbaahinta gudaha sameysay si ay ula hadasho mas'uuliyiinta ayaan guuleysan.

Hal qof oo goobjooge ah ayaa xaqiijiyey in dadka dhintay ay ku jiraan shacab. Hase ahaatee, wuxuu ka gaabsadey in uu kala caddeeyo rag iyo dumar waxay kala ahaayeen.

Inta badan Puntland ayaa caan ku ah dagaalada maleeshiyaadka ee khilaafaadka dhulka maadaama oo aan maamulku gacanta ku hayn dhulka isla markaana aan xal waara laga gaarin.

Dowladaha hoose ee magaalooyinka Puntland ayaa sameeyay talaabooyin ay xal ugu goobayaan qadiyadan waxaana kamid ah sumadeynta dhulalka iyo diiwaan-gelinta goobta uu ku yaalo.

Dadka qaar ayaa ku dooda in maamulada dowladaha hoose aanay u diyaarsanayn wax ka qabashada muranada dhulka, halka qaar kala ay aaminsan yihiin in is-qabqabsiga dhulalka ay ku lug-leeyihiin mas'uuliyiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo howlgal gaar ah ka fuliyay Buuraha Calmiskaad, Puntland

Taliye sare oo katirsan kooxda ayaa lagu qabtay, kaasoo la sheegay inuu u qaabilsanaa dhanka maaliyadda.

  • Puntland

    26-07-2025

  • 02:03PM

Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd

Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.

  • Puntland

    25-07-2025

  • 01:33PM