Khasaaro ka dhashay dagaalka Galkacyo ka socda

Image

28 November, 2015(GO)-Waxaa weli socda iyadoo la isu adeegsanayo xubka waaweyn dagaal saaka mar kale dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana jira khasaaro kala duwan.

Dagaalkan ayaa sakaa bilowday, wuxaana la isu adeegsanayay qoryahay fud-fud, balse wararka aan hadda helayno ayaa sheegaya inuu dagaalku xoogaystay, isla markaana la maqlayo daryarnka rasaasta waaweyn oo isweydaarsanayaan dhinacyada diriraya.

Warar aan ka helayno ilo ka agdhow meelaha dagaalku ka socda sida Suuqa Darxumo, ayaa sheegaya inay dhinteen ilaa 8 ruux oo labada dhinac ka tirsan, waxaana dhawac soo gaaray ilaa 30 ruux oo qaybtood haleeleen xabado habow ah, waxaana dhaawaca la dhigay cusbitalka magaaladaasi.

Waxaa adag in la helo dhinacyada dagaallamay iyo xogta rasmiga ah ee goobaha dagaalku ka socdo, balse waxaa jira baabur la gubay iyo goobo shidaal sida ay Garowe Online u xaqiijyeen goob joogayaal ku sugan Galkacyo.

Ilaa hadda ma jirto cida ka tirsan labada maamul ee dagaallamaya, waxaana arrintani ku soo beegantay xilli ay jireen waan waan uu qayb ka ahaa Ra'isal wasaaraha Somalia, balse dhammaantood wax ka hirgalay ma jiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM