Khayre oo beeniyay war laga sheegay xiriirka DF iyo Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka, Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya Xukuumaddiisa iyo dowladda Puntland, kaasoo mudooyinkii dambe ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Khayre oo u waramayay TV-ga Laanta Afka Soomaaliya ee BBC-da ayaa meesha ka saarey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka Madaxweyne Gaas iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

"Ma jiro wax khilaaf ah. Waxaan la leenahay Puntland xiriir wanaagsan, waxaana halkaan ugu imid xafiisyo dowladeed oo shaqaynaya," ayuu yiri Khayre, oo hadda booqashadiisii ugu horeysay ku jooga Puntland.

Dhinaca kale, Khayre oo wax laga weydiiyay qorshaha bixitaanka ee ciidamadda AMISOM wuxuu cadeeyay inuu yahay sidii hore loo dejiyay oo ah inay isaga baxaan dalka guud ahan sanadka 2022-ka.

"Waxaa la sameeyay qorsho loogu magac daray kala guurka oo lawada ansixiyay. Marka wixii isbedal ah, oo yimaadda ma rabo inaan halkaan ka sheego," ayuu Khayre hadalkiisa ku daray.

Ra'iisul Wasaaraha oo ugu dambeyn ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tibaaxay inay wado dowladda qorshayaal looga xorreynayo dalka gabi ahaanba Kooxdaan, ayna dhawaan ku dhawaaqi doono.

Si kastaba, Khayre ayaa wuxuu kusii sugnaan doonaa deegaanadda Puntland illaa iyo todobaadkan, isagoo ka qayb-galaya munaasabado kala gedisan oo ay ku jirto midda sanad-guuradii 20aad ee aas-aaskii Puntland.

Waa booqashadii ugu horeysay oo uu Khayre ku tago deegaanadda Puntland isagoo haya mid kamid ah xilalka ugu muhiimsan dalka Soomaaliya, oo ah Waiirka koowaad ee xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM