Koor: "yaan lagu xadgudbin xasaanadda goleyaasha deegaanka"

Image

June 8, 2015 (GO)- Duqii hore ee degmada Garowe Cabdicasiis Cilmi Koor ayaa ugu baaqay dowladda inay ilaaliso xasaanadda goleyaasha deegaanka islamarkaana qaab sharci ah loosoo maro kala dirista goleyaasha deegaanka.

Koor oo ka hadlayey munaasabad xil-wareejin ahayd oo maanta ka dhacday Garowe ayaa tilmaamay in dhanka xuquuqda ay ka siman yihiin golaha wakiillada Puntland iyo goleyaasha deegaanka, sidaas darteedna ay mudan yihiin in la ixtiraamo.

"goleyaasha deegaanku xasaanad bay leeyihiin, waxayna la xasaanad yihiin yihiin baarlammaanka...dhinaca xuquuqda, dhinaca jiritaanka iyo dhinaca kala diristaba" ayuu yiri.

Dhanka kale, duqii hore ee Garowe ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu xilka hayey, isago xusay in lagu xasuusan doono waxqabad muuqda oo dhinacyo badan leh. 

Munaasabad xil-wareejin ahayd oo maanta ka dhacday hoolka shirarka ee hay'adda PDRC, ayaa waxaa xilka kula wareegey duqa cusub ee dhowaan Madaxweyne Gaas usoo magacaabay magaalada Garowe, Axmed Siciid Geelle (Shoodhe). 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM