Koox hubaysan oo isaga baxday Tuulo u dhow Qandala

Image

BOSASO, Puntland- Wararka ka imaanaya deegaan lagu magacaabo Dasaan oo u dhow degmada Qandala ee gobolka, ayaa sheegaya in xalay koox loo malaynayo inay katirsanyihiin Daacish ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada.

Mallayshidan hubaysan ayaa tan iyo saaka gacanta ku haysay deegaankaas.

Xaaladda ayaa Saaka degan, waxaana dadka deegaanku sheegeen inay kooxdaas isaga baxeen waloow aan war laga hayn halka ay qabteen.

Ilaa hadda dadka deegaanku faah faahin kama bixin ujeedka kooxdaas iyo qorshaha ay ka lahaayeen deegaankaas.

Goob jooge la hadlay GO, ayaa sheegay in kooxdan oo u tilmaam Daacish ay deegaanka isaga baxday iyagoo aan gaysan wax dhibaato ah.

Gobolka Bari, waxaa qaybo kamid ah ku sugan ururkan taageersan ISIS, waxaana dhawaan laga saaray Qandala iyadoo aan la sheegin goobta ay gaareen.

Maamulka gobolka iyo kan degmada Qandala kama aysan hadlin arrintaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM