Kooxda haysta markabka MV Abdullah oo heshay hub aad u culus

Image
Dableydan oo ah burcad-badeed Soomaali ah ayaa si weyn looga hadal-hayaa warbaahinta caalamka.

GAROWE, Puntland - Kooxda haysta markabka MV Abdullah ayaa wararku sheegayaan in markabka hub culus saarteen oo ay kamid yihiin lidka diyaaradaha iyo tobanaan qoriga AK-47 la yiraado.

Saaritaanka hubkan ayaa muujinaya in kooxda markabka haysata inay khibrad ka heleen kooxdii haysatay markabka MV Ruen oo ay ciidanka badda Hindiya gacanta ku dhigeen.

Dawladda Bangladesh iyo shirkadda iska leh markabka ayaa ka hor istaagtay ciidanka badda Hindiya inay markabka ku qaadaan weerar, taana waxay dhalisay inay ciidanka Hindida isaga tagaan halka uu ku sugan yahay markabka.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa bishii December ee sannadkii hore qabsaday markabka MV Ruen, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo lagu guuleysto afduubka markab tan iyo sannadkii 2017-kii.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta waddanka Yemen ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyada afduubka maraakiibta iyaga oo sheegay in ay ugu aar-gudayaan Falastiiyiinta. 

Maraakiibta dagaalka ee Isbaanishka, Japan iyo Hindiya ayaa ku raad-joogay markab xamuul oo ka babana calanka Malta, waxaana maamula waddanka Bulgaariya.

Baadigoobka ayaa waxaa lagu waramay inuu socday tan iyo markii la geeyey badda Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin bishii December ka soo baxday ciidamada badda dalalka Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM