Kooxda ISIL oo saldhigeedii howlgalada usoo wareejisay Soomaaliya

Image
Amiirka guud ee Daacish, Abu Hafs al-Hashemi al-Qurashi, ayaa la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay degaanada Puntland.

WASHINGTON, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sii xoojinaya diiradda uu saarayo la dagaalanka argagixisada Soomaaliya, kadib markii ay sii kordhayaan bartilmaameedyada caanka ah ee lala xiriirinayo kooxda Daacish ee ka soo cusboonaatay saldhiga ay ku leeyihiin Geeska Afrika.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan in IS-Soomaaliya, sida la og yahay kooxda argagixsada ee xiriirka la leh gobolka, ay ka gudubtay inay halbowle u tahay isku xirka maaliyadda caalamiga ah ee maleyshiyada  balse ay hadda martigeliso hoggaamiyaha ugu sarreeya kooxda.

Hogaamiyayaasha ugu sareeya IS "waxay u arkaan Afrika meel ay tahay inay maalgashadaan, halkaas oo u ogolaanaysa  inay si ka wanaagsan oo xor ah u shaqeeyaan, waxayna rabaan inay isku ballaariyaan," sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan waaxda difaaca Mareykanka. "Markaa, waxay amiirkoodii ay keeneen gobolkaas."

"Khaliifku wuxuu bixiyaa jihada istaraatiijiyadeed, taas oo aan u aragno inay u oggolaanayso inay horumariyaan oo ay is ballaariyaan, xitaa si ka badan sidii aan filan lahayn," ayuu yiri sarkaalka oo aan haysan fasax uu uga hadlo arrimaha mukhaabaraadka.

Qiimaynta Maraykanku waxay daba socotaa daadad xanta ah oo ka soo baxay Soomaaliya oo sheegaya in amiirka IS, Abu Hafs al-Hashemi al-Qurashi, uu ka soo safray Suuriya ama Ciraaq ka dibna uu Yemen uga sii gudbay maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ee waqooyi-bari ee waddanka.

Sidoo kale, warbixintan ayaa waxa ay daba socotaa digniino ka soo baxay saraakiil badan oo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo sheegayay in IS-Soomaaliya ay sii xoogaysatay, taas oo ay ugu wacan tahay dagaalyahanno iyo hawl-wadeenno ka soo qulqulaya Yemen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM