Kooxda K. Koleyga Qardho City oo u gudubtey wareegga semifinal-ka

Image

May 30, 2015 (GO)- Kooxda Kubadda Koleyga ee Qardho City oo Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku meteleysa Puntland ayaa usoo gudubtey wareegga haaf-dhammaadka (semifinal).

Kooxda ayaa guulo isdaba joog ah gaartey, kadib markii ay ka badisey saddex kooxood oo ka socdey magaalooyinka Jubba, Darsalam iyo Tango oo ka kala tirsan wadamada Suudaan iyo Tanzania.

Ciyaar-yahannada kooxda oo tiradoodu dhan tahay 12 ayaa ka kala yimid dalalka USA iyo Canada, waxayna badankoodu u ciyaaraan naadiyo ka dhisan jaamacadaha.

Kooxda Garowe City oo sanadkii hore tartankaas uga qayb gashay Soomaaliya ayaa timid wareegga finalka, waxaana guusha dhibco yar kaga qaaddey kooxda Qaahira City.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM