Korneel katirsanaa ciidamada Puntland oo Qarax lagu dilay

Image

BOOSAASO, Puntland - Korneel katirsanaa ciidamada Puntland ayaa ku dhintay qarax ka dhacay meel ku dhaw magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Korneel Cismaan Abshir Cumar waxa uu ahaa khabiir dhanka qaraxyada ciidamada u qaabilsan furfurista walxaha qarxa iyo miinooyinka.

Cabdirisaaq Maxamed, oo ah sarkaal kale oo ciidamada Puntland katirsana, ayaa u sheegay warbaahinta in Korneel Cismaan uu ku dhintay miino ku qaraxday isagoo isku dayayay inuu ka saaro wado ay ku safrayeen oo isku xirta Boosaaso iyo Galgala.

"Waxaa la soconay Korneel Cismaan, annagoo ku safrayna inta u dhaxay Boosaaso iyo Galgala ayaan la kulanay miino jidka lagu aasay, gaariga ayuu kasoo dagay Korneelka, wuxuu isku dayaya inuu miinada ka bixiyo goobta, balse way ku qaraxday kadibna isla meesha ayuu ku dhintay," ayuu yiri Cabdirisaaq.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa.

"Waxaan bartilmaameedsanay Korneelka, waxaana ku dilnay qarax aan wadada u gelinay," ayuu yiri Cabdicasiis Abu Muscab, oo ah Afhayeenka dhanka howlgallada Al Shabaab.

Dowladda Puntland kama aysan hadlin wali Weerarkan uu ku dhintay Korneel Cismaan, kaasi oo qeyb ka ah qaraxyo iyo falal amni darro oo ka dhacayay deegaanada Puntland mudooyinkii dambe, kuwaasi oo ay fulinayaan Al shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM