Kulamadii golayaasha xukumadaha Soomaaliya iyo Puntland ku qabsan lahaayeen Garoowe

Image

GAROWE- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa maanta ka dhacaya kulamo ay yeelan doonaan golayaasha Wasiirada dowlada Federaalka Soomaaliaya iyo Puntland.

Sida warsidaha Garowe Online ka helayo ilo xogogaal ah Ra’isal wasaraha Soomaaliya oo ku sugan magalada Garowe ayaa waxaa uu si gooni ah u shir gudoomin doonaa kulanka golaha xukuumada dowlada Federaalka ku yeelan doonaan maanta oo khamiis ah magaalada Garowe halka Madaxweyne Gaas golihiisa Wasiirada sidii caadiga aheyd meel gaar ah isugu imaan doonaan.

” Anigu Waxaan yeelaneynaa kulankeenii Khamiisla ahaa, waxaana laga yabaa inta aan shirka ku jirno in aan u yeerano xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya kaga jira Puntland.” Sidaas waxaa GO u sheegey xubin ka tirsan golaha Wasiirada Puntland oo magaciisa ka gaabsadey.

Wararka ayaa sheegaya iney suurtagal tahay markii labada gole shirarkooda kala goonida ah dhameyataan kulan guud wada doonaan.

” Waa suurtagal in kulan guud aan isugu nimaadno mar dambe labada gole wasiiro hadii kulanka aan la qaadaneyno xubnaha golaha Wasiirada Soomaaliya kaga jira Puntland la isku afgarto.” Intaas waxa hadalkisa sii raacsadey Wasiir ka tirsan xukuumada Puntalnd oo la hadlay GO.

Ra’isal wasaraha Soomaaliya oo weli ku sugan magalada Garowe ayaa suurtagal tahay in maanta galinka dambe ka ambabaxo caasimada Puntland halkaas oo uu booqasho ku joogey maalmihii lasoo dhaafey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM