Kulan u bilaabanaya Madaxweynaha Puntland iyo beesha Cali Saleebaan

Image

GAROWE- Waxaa maanta magaalada Garowe ka bilaabanaya kulan balaaran ee u dhexeeya Madaxweynaha Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo guddi garaaya 16 xubnood oo ka socda beesha Cali Saleebaan kaasoo dhexdhexadainayaan culimada Puntland.

Kulankaan oo lagu qaban doono xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa warsidaha GO ogeyn cidda ku we helin doonta dhexdhexaadintaan u dhexeeya xukuumada Madaxweyne Gaas iyo beesha Cali Saleebaan.

Guddiga ka socda Cali Saleebaan ayaa wararka GO soo gaaraya sheegayaan in aysan wehelin siyaasiyiinta iyo isimada beeshaan balse ay ka kooban yihiin nabadoono laga soo xuley qaybaha kala duwan ee qabiiladaan.

Kulankaan oo garwadeen ay ka ahaayeen culimada Puntland ayaa dib u dhacey ilaa bisha 27 July,2016 kadib markii Madaxweynaha ka cududaratey balantii aheyd inuusan Imaan karin 14 July,2016.

Talaabada cabashada beesha ayaa timid kadib markii Gudoomiyihii hore ee gobolka Barri ciidamo uu wato oo ka tirsan beeshiisa soo galeen Degmada Carmo oo ka tirsan gobolka Barri.

Xukuumada Puntland ayaa ku sheegtey gudoomiyah ciidamadiisa xiriir la leeyihiin burcad badeed iyo ururada xag jirka ah halka beeshiisu aaminsan tahay inuu tarjumeyso talaabadaan cabasho qabiilada Cali Saleebaan ka qabaan xukuumada Madaxweyne Gaas.

Wararka la xiriira kulankaan kala soco Garowe Online 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM