Kulanka Dowladda Puntland iyo Dadweynaha oo ka dhacay Garowe

Image
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Xisbiyada Siyaasadda iyo qeybaha bulshadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay Kulanka Dowladda iyo Dadweynaha, oo ahaa kulan Bulshada lagula wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh xukuumadda 2024-2029, iyadoo Dadweynaha fursad loo siiyey in ay ku biiriyaan wixii tallo iyo su’aalo ah. 

Madasha waxaa mudnaanaha hortebinta u leh xukuummadda 2024-2029, kusoo bandhigay Afar Guddi oo ka kooban Golaha Xukuumadda kuwaasi oo kala ah :- Guddiga Maamul wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga, Guddiga horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha , Guddiga horumarinta wax-soosaarka iyo Guddiga horumarinta Arrimaha Bulshada . 

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa boggaadiyay Kulanka iyo sida furan ee bulshada iyo Dowladdu tallooyin iyo su’aalo isu weydaarsadeen, wuxuuna kula dardaarmay dadweynaha Puntland dal iyo dibadba in laga shaqeeyo midnimada, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC, Saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , Culimaa’udiinka, Dhaqanka , Ururada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qabatay 250 tuute oo ka yimid Galmudug kadib digniin ay dirtay

Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe isku khilaafsanaa arrimo siyaasadeed iyo amni.

  • Puntland

    28-07-2026

  • 07:56AM

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM