Kulankii Somalida uga socdey Muqdishu oo markale baaqdey

Image

MUQDISHU Dec 15, 2015 (GO)-Warsidaha Garowe Online ayaa warar soo gaaraya sheegayaan in kulankii beesha caalamka gaar ahaan xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia garwadeenka ka ahaayaa uu baaqdey maanta kadib markii madaxda Somalida heshiis gaari waydey.

Ergeyga qaramada midoobey u qabailsan arrimaha Somalia ayaa maanta ku guuldareystey in madaxda maamulada Somalia iyo Federaalka isku raacaan qaabka loo soo xulayo xildhibnaada Barlamanka sanadka 2016.

Kulankaan oo loogu magacdarey wadatshiga qaran ayaa qabsoomey Dec 13, 2015 balse ku dhamaadey fashil kadib markii madaxda Somalida isku khilaafeen iney go'aan ka gaaraan nidaamka doorashada u dhaceyso sanadka 2016.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh oo tageersan nidaamka 4.5 in lagu soo xulo xildhibanaada Baralamanka ayaa maalinimadii shaley Dec 14, 2015 isagoo kaashanaya Gudoomiyaha Barlamanka iyo Ra'isal wasaaraha Somalia waxey damceen in madaxda mamaulada lagu qanciyo in 1/3 kamid ah xildhibanada Barlamanka 2016 lagu soo doorto degaan (92 degmo) halka 2/3 kamid ahna xubnaha aqalka wakiilada lagu soo xulayo 4.5.

Qorshahaan ayaa waxa ganafka ku dhuftey waftiga dowlada Puntland iyo Jubaland uga qayb galaya kulankaan iyaga oo sheegey in hab sharci ah oo Dastuuri ah aan looga guuri karin nidaam kale oo sharci daro ah.

Madaxda dowlada Federaalka ayaa wararku sheegayaan in soo jeedintaan kuwada socdeen xubnaha ka tirsan beesha caalamka gaar ahaan xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia.

Ergeyga qaramada midoobey Nivchlas Key oo shaqada ka tagaya kulankaan kadib ayaa aad isugu taxaluujinaya sidii heshiis uga soo bixi laha wadahadalkaan.\

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM