Labo dhallinyaro ah oo lagu diley magaalada Galkacayo [Dhageyso]

Image

GAALKAIO, Feb 22, 2015 (GO)- Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ku geeriyooday labo dhallinyaro ah kuwaasi oo dilkooda uu ka danbeeyey askari ka tirsan ciidamadda dowladda Puntland.

Askarigaan ayaa tacshiirad ku furey garoonka gudahiisa waqti halkaas uu ka dhacey buuq la xiriira cayaartooy halkaas uga socdey tartan kubada cagta ah.

Labada dhallinyarada ah ee geeriyootey shalay ayaa lagu aasay magaaladda Gaalkacyo sida uu xaqiijiyey madaxa garoonka ciyaaraha gobolka Mudug Maxamed Cabdi Habas oo lahadlayey Radio Garowe.

Habas ayaa sheegay in dhacdadani tahay midii ugu horaysay ee ka dhacday  garoonkaasi intii uu gacanta ku hayey isagoona tacsi u diray ehelda wiilashii lagu diley toogashada.

Magaalada Galkacyo ayaa horay loogu dilay labo ka tirsan saraakiisha hay'adda UNODC kuwasoo dilkooda uu gaystey askari kamid ah ciidamadda ilaaliya garoonka diyaardaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM