Labo dhallinyaro ah oo lagu diley magaalada Galkacayo [Dhageyso]

Image

GAALKAIO, Feb 22, 2015 (GO)- Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ku geeriyooday labo dhallinyaro ah kuwaasi oo dilkooda uu ka danbeeyey askari ka tirsan ciidamadda dowladda Puntland.

Askarigaan ayaa tacshiirad ku furey garoonka gudahiisa waqti halkaas uu ka dhacey buuq la xiriira cayaartooy halkaas uga socdey tartan kubada cagta ah.

Labada dhallinyarada ah ee geeriyootey shalay ayaa lagu aasay magaaladda Gaalkacyo sida uu xaqiijiyey madaxa garoonka ciyaaraha gobolka Mudug Maxamed Cabdi Habas oo lahadlayey Radio Garowe.

Habas ayaa sheegay in dhacdadani tahay midii ugu horaysay ee ka dhacday  garoonkaasi intii uu gacanta ku hayey isagoona tacsi u diray ehelda wiilashii lagu diley toogashada.

Magaalada Galkacyo ayaa horay loogu dilay labo ka tirsan saraakiisha hay'adda UNODC kuwasoo dilkooda uu gaystey askari kamid ah ciidamadda ilaaliya garoonka diyaardaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM